Daraasadda Wacyiga Dadweynaha ee Dimuqraaddiyeynta iyo Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland

Warbixintan waxa ay ku saabsan tahay waxyaabihii ugu waaweynaa ee ka soo baxay daraasadda, iyo weliba falanqeyn ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda iyo guud ahaan qorshaha dimuqraadiyaynta Puntland. Warbixintu waxa kale oo ay soo bandhigaysaa talooyin ku saabsan sida horay loogu amba-qaadi karo. PDRC waxa ay rumeysan tahay in natiijooyinka daraasaddu ay sababi doonaan in dadku dood siyaasadeed ka yeesho arrimaha ku saabsan doorashooyinka golayaasha degaanka, isla markaana gacan ka geysan doonaan aqoonsiga istiraatiijiyado waxku-ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha hortaagan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee Puntland.