Tan iyo markii uu soo ifbaxay dhiganihii yaabka lahaa ee dalmareenkii Giriiga ee “Periplus of the Erythraean Sea” 1 (ερίπλους τῆς Ἐρυθρᾶς Θαλάσσης) oo si weyn loogu faahfaahiyey ganacsigii xabkaha iyo Cananada2 udgoonka iyo alaabooyinkii kale ee naadirka ahaa ee laga dhoofinayey xeebaha dhulka Soomaalida. Taasi oo ku aadaneyd waagii uu daahfuray luqad yaqaankii mucjisada ahaa ee “Jean-François Champollion”3 fartii Masaaridii hore ee “Hieroglyphs” markaasi oo la ogaadey safaradii dhaadheeraa ee Masaaridii fircooniintu ay ku tageen dhulkii Ilaahyada Punt. Dhulkaasi oo lagu abaaray inuu ahaa xeebaha Soomaalida, ilaa waayadaas waxaa isa soo tarayey baaritaano iyo dadaallo lagu raadinayey daliilo iyo waxyaabo la taabankaro oo la xiriira ganacsigaasi iyo ilbaxnimadaasi hore. Qoraalkaan iyo helitaanka raaddadkii hore ee reer Saba ee geyiga Soomaalidu waxaa uu ka dhiganyahay daahfurkii ugu weynaa ee abid la xiriira arimahaasi aan kor ku soo xusnay. Waxaana ay ka dhigantahay inaan anaguna markeena si wanaagsan uga qayb qaadanayno soo bandhigida taariikhda iyo degel yaalkii hore, taasi oo runtii ku mudaysan isku day wacan iyo guul inoo soo hoyatey dhamaanteen.