peace_bannerIyada oo hal-maalin oo qura ay ka dhimantahay maalinta caalimaga ah ee nabadda, dhanka kale, magaaladda Garowe ee Caasimadda Dawladda Puntland, waxaa ka soconaya diyaar-gorow baalaaran oo ku aadan xuska maalinta Nabadda Aduunka ee ku aadan 21ka September 2014. Qaban qaabada barnaamijka xuska maalinta Nabadda Aduunka waxaa Puntland ka fulinaya Xarunta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) iyo Wasaaradda Shaqada, Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda Puntland oo kaalmo caalami ah ka helaya Hay’adda ay bahwadaagta yihiin ee International Peacebuilding Alliance (Interpeace)
Qorshaha maalinta Caalamiga ah wuxuu ka koobnaan doona barnaamijyo dhowr ah sida, banaanbaxyo dadweyne, kulamo bulsho iyo dood-cilmiyeed. Dhamaan howlahaas waxay si toos ah ugu adeegayaan kor uqaadida fahamka dadka ee maalintaas iyada ah oo Hal- kudhageeda sanadkan loo aqoon saday “Xaqa dadku uleeyahay nabadda” (the right of peoples to peace).

Munaasabadda Xuska maalintaasi waxaad kala socon kartaa bogga internetka www.pdrcsomalia.org ama facebook https://www.facebook.com/pdrcorg, sidoo waxaad kala socon kartaan oo door mugleh ka qaadan doona warbaahinta afka-Soomaaliga wax ku tabisa qaybahooda kala duwan.
Fadlan nala faafi faarintani oo gaarsii dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Waad ku mahadsantahay taageeradaada
Nabad ku waara, Amiin.
Xafiiska Warbaahinta,
Xarunta Cilmi Baarista, PDRC