Ujeeddo:                      Jago ka Bannaan Qaybta Maqal-Muuqaalka ee Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland

Darajada Jagada:        Kaaliye Cilmi-baare ee Maqal-muuqaalka

 

Taariikhda:                  28 July 2012

Xarunta Horumarinta Cilmi-Baarista Puntland (PDRC), iyada oo fulineysa barnaamijyadeeda cilmi-baaris, waxa sharaf u ah in ay soo bandhigto in ay ka bannaan tahay Jago kaaliye cilmi-baare ee Qaybta Maqal –Muuqaalka.

Jagadaas waxa codsi u soo qoran kara cidda buuxisa shuruudaha hoos ku xusan:

  1. Qof Aqoon ku filan u leh Xirfadda maqal-muuqaalka iyo ku shaqaynta qalabkeeda casriga ah, sida video camera, still camera, film editing and film production,
  2. Waa in uu turjumaad u sameyn karaa (English sub-titling) filimada,
  3. Waa in uu ku shaqeyn yaqaan editing programs sida, Final Cut pro., Pinnacle Studio.,
  4. Waa in uu aqoon fiican u leeyahay ku shaqaynta iyo adeegsiga barnaamijyada kala duwan ee computer-ka.
  5. Qofku waa inuu khibrad shaqo u leeyahay xirfadda Maqal-Muuqaalka, ugu yaraan 2 sano.
  6. Waa in qofku leeyahay aqoon waxbarasho oo aan ka hooseyn dugsi sare.
  7. Waa in qofka da’diisu ka sarrayn 30 Sannadood.
  8. Waxa la dhiirigelinaya gabdhaha aqoonta u leh xirfadda ee soo codsada.

Araajida waxa lagu soo hagaajinayaa:

  1. Maareeyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee PDRC – Fadumo Mohamoud Mohamed – fmuufo@gmail.com
  2. Kaaliyaha Maamulka – Burhan Ismaciil – Burhanismael@gmail.com

Qabashada Codsiga waxay ku eg tahay 5ta bisha agoosto 2012, saacaddu marka ay tahay 12.00 Duhurnimo.

MAHADSANIDIN