8da Bisha Maarso oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka ayaa laga xusaa dalal badan si loo sii dhiiri-gelayo dadaalada haweenka ay hormuudka ka yihiin iyo xusida guulaha laga gaaray horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda haweenka adduunka oo dhan.
Xarunta horumarinta cilmi-baarista Puntland #PDRC iyo Hay’adda ay bah-wadaagta yihiin ee #Interpeace ayaa kulan lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo hal-ku-dhag looga dhigay “Korinta wacyiga gabdhaha si loogu diyaariyo hogaanka mustaqbalka bulshadeena” ku qabanaya Xafiiska PDRC ee Magaalada Garoowe.

Si loo xaqiiyo hadafka ku dhigan hal ku dhaggaas isaga ah, Munaasabadda 8da Maarso, waxay kulmin doontaa dhowr dumar Soomaaliyeed oo horumar muuqda sameeyey kana dhex-muuqda gabdhaha Somaliya, Afrika iyo kuwa aduunka; waa Xaawo Aadan, Faadumo Jibril, iyo Caasho Geele dhanka kale boqolaal gabdho dhalinyaro ah oo laga soo xulay xarumaha waxbarashadda, ururadda dhalinyaradda iyo haweenka iyo hay’adaha dowladaha. tani waxay suurto galinaysaa in Fadumo, Casho iyo Xawo ay la wadaagaan halganka iyo waayo-aragnimooda kale duwan ee ku hagtay wadiiqada guusha iyo sharafta hogaamineed ee taariikhda noloshooda. Intaasi, waxaa dheer ka qayb-galayaasha waxay daawan doona film koobaya taariikhda halganka nololeed iyo hogaamineed ee xaawo Fadima, iyo Casho oo ay xarunta PDRC isku xilsaartay inay film taariikhi ah ka diyaarisay dumarka guuleysay ee Soomaaliyeed ee Puntland nool.