Dadka ka qayb-galey daraasadda, iyo bulsha- da guud ahaan, aad ayey u taageersan yihiin dimuqraaddiyadda, ayaga oo aqbalsan fikradaha iyo mabaadii’da dimuqraaddiyadda, haddiiba ay waafaqsan tahay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban.

Sannadihii u dambeeyey, wacyiga bulshada dhanka dimuqraaddiyaddu kor ayuu u kacay. Wakhtiga hadda ah, dadku si weyn ayuu u danaynayaa geeddi-socodka dimuqraaddiyadda iyo fikradaha iyo mabaadii’da dimuqraaddi- yadda.

“Waxa aan xasuustaa wakhti yar ka hor in dimuqraaddiyadda oo laga hadlaa ay ka dhignayd in diinta la caayey. Haddana waa hab siyaasadeedka aan hiigsaneyno.” – Cumar Aadan Cabdulle (Xubin golaha de- gaanka Galdogob)

Isbeddelka ku dhacay aragtida dadka waxa uu ka dhashay olole ay jileyaal kala duwan ku qa- adeen kobcinta wacyiga ummadda xilligii ay soo dhawaadeen doorashooyinkii la isku dayey in la qabto; jileyaashaas oo ay ka mid ahaayeen uru- rrada bulshada rayidka ah, dawladda, ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

Intii ay socotey doorashadii ugu dambeysay, dadka reer Puntland waxa u bidhaantay nidaam dawladeed oo ku dhisan dimuqraaddiyad iyo habka axsaabta badan. Waxa ay wax ka barteen fikradaha dimuqraaddiyadda, ururrada siyaasa- deed, iyo doorashooyin kala heerar duwan, aqoontaas oo ku khasbeysa dawladda in aysan iska dhega-tirin rabitaanka dadweynaha.

Xisbiyada siyaasadeed waa saldhigga dimuqraad- diyadda. Xisbiyada siyaasadeed ee dhabta ah waxa ay isku xiraan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ka tirsan taageerayaashooda, gaar ahaan kuwa aan laga qayb-gelin arrimaha si- yaasadda. Waxa kale oo ay ka qayb-qaataan

la-xisaabtanka dawladda, hubiyaanna waxqa- badka dawladda si loo gaaro maamul-wanaag, hufnaan iyo isla-xisaabtan dhanka fulinta arrima- ha bulshada. Si kastaba ha ahaatee, ma fududa in la dhiso xisbiyo siyaasadeed oo buuxin kara ujeeddooyinkaas, sida ka muuqata waaya-arag- nimadii Soomaaliya iyo dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay Puntland.