Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) oo had iyo jeer u heellan nabadda, muddo dheerna ka shaqeynaysay xoojinta nabadda iyo isku-xirka bulshada ku nool gobolka Mudug, gaar ahaan degmada Gaalkacyo, waxa ay ka xun tahay dhibaatada ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan.

In kasta oo dhibaatada dhacday ay baaxad weyn tahay, haddana waxa muuqda ifafaalo nabadeed iyo dadaallo xooggan oo loogu jiro xakameynta colaadda iyo xal-u-helid nabad waarta on ka hirgasha mandiqadda guud ahaan.

Sidaa darteed, Xaruntu waxa ay ugu baaqeysaa bulshada reer Gaalkacyo iyo maamulladaba in ay nabadda fursad siiyaan, una hiilliyaan dadaallada loogu jiro nabadda, iyaga oo u dhaga-nuglaanaya, gacanna ku siinaya sama-jeclayaasha u soo gurmaday in ay gacan ka geystaan nabadda.

Tubta Toosan Allaah ha Innagu Toosiyo.


Translation

Puntland Development Research center (PDRC), as a peacebuilding institution, which strived for the appeasement and cohesion of Mudug Community, especially Galkayo, is deeply saddened by the conflict that caused death, injuries and massive displacement in Galkayo.

Although the calamity of the conflict is enormous, there are, however, encouraging signs of peace to redeem given the efforts exerted to restore lasting peace and stability to the area as a whole.

Therefore, the Center calls to both the Galkayo Community and Administrations to give the “Peace a Chance” by supporting and complying by the efforts of Well-wishers”, who have come to rescue and refurbish peace and harmony in the area.