BAAQ NABADEED.

Xarunta Nabadda iyo horumarinta Cilmi-baarista (PDRC) oo had iyo jeer u heellan nabadda, muddo dheerna ka shaqeynaysay xoojinta nabadda iyo isku-xirka bulshada ku Soomaaliyeed, aggaasimaha xarunta PDRC Ali Farah Ali ayaa Baaq nabadeed u diray beelaha dirirtu ku dhex-martay deegaanka dhumay oo ka tirsan Gobolka Sool. Aggaasimaha ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada iyo colaada ka jirta deegaanka dhumay oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur dhaqaale.

Inkastoo Dhibaato dhacday, haddana waxaa muuqda ifafaalo nabadeed iyo dadaallo xooggan oo loogu jiro xakameynta colaadda iyo xal-u-helidda nabad waarta oo ka hirgasha deegaaanka. Sidaas daraadeed, xaruntu waxa ay ugu baaqeysaa beelaha iyo odeyaasha dhaqanka in ay nabadda fursad siiyaan, una hiilliyaan dadaallada loogu jiro nabadda, iyaga oo u dhaga-nuglaanaya, gacanna ku siinaya wada-hadallada iyo dadka u soo gurmaday in ay gacan ka geystaan nabadda.

Tubta Toosan Allaah ha Innagu Toosiyo.