waldoAgaasimaha PDRC, Cabdirahman Cabdulle Cusmaan (SHUUKE), maamulka sare iyo shaqaaluhuba waxay u dirayaan tacsi tiiraanyo leh qoyskii, eheladaii, saaxiibadii iyo dhamaan dadka reer Puntland (Soomaalia) oo uu ka geeriyoodey marxuumMaxamad Abshir Waldo. Sannadkii 1968 Marxuumku wuxuu ka qalin jabiyayJaamacadda caanka ah ee Columbia University, Isagoo si hagar la’aan ah isugu xilsaaray in uu u adeego bulshada Soomaaliyeed tan iyo intii Allaah ka oofsaday. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii ugu horreeyey ee ku takhasusay aqoonta warbaahinta. Wuxuu shaqadiisii weriye-nimo ee u horreysey ka billaabay BBC World Service, illaa uu ka gaarey jagada Agaasimaha waaxda af-Soomaliga sannadkii 1960. Waxaa loo aqoonsan yahay in marxuumku ahaa hoggaamiye si nafti-hurenimo ah uga shaqeeyey xal u helidda sidii loo horumarin lahaa Somaaliya, wuxuuna ka mid ahaa tiirarkii billaabay asaasidda maamulka dawladda Puntland 1998-dii. Allaha u naxariistee, Maxamad Abshir Waldo wuxuu ahaa aqoonyahan ku guuleystey ganacsigiisa gudaha dalka iyo kan dibeddaba, wuxuu u abuuray dhallinyaro badan fursado shaqo. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii PDRC, wuxuuna ahaa mid had iyo jeer la garab taagan xaruunta talo, tusaale, u-qareemid iyo taageeraba. Marxuumku wuxuu ka tagey shan caruur ah iyo hooyadood. In kastoo geeridu xaq tahay, waxaa hubaal ah in Soomalidu tebi doonto kaalinkiisii lama illaawaanka ahaa. Waxaan Ilaahay uga baryeynaa in uu ka waraabiyo jannatul fardows. Aamiin