Puntland waxa ay gaadhay horumar badan marka ay timaado dhisamaha dawladnimo iyo baahinta maamulka. Hase ahaatee Puntland waxa ay wali la daalaadhacaysaa culaysyo dhanka amniga oo ay ka mid yihiin xagjirnimo, hubka baahsan oo bulshada gacanta ugu jira, dagaal beeleedyo soo noqnoqda, wadajirka ummadda oo dabacsan, xiisad kala dhaxaysa Galmudug iyo xiriirka cakiran ee Puntland iyo dawladda federalka ah, iyo kan Puntland iyo Somaliland. Awoodda hay’adaha amniga iyo garsoorka oo hooseysa iyo kaalintii dhaqanka oo hoos u dhacday ayaa Puntland ka dhigtay mid u nugul

Colaadaha, khilaafaadka bulsho iyo siyaasadeed.

Maamuladii kala danbeeyay ee Puntland soo maray ayaa sameeyay balan-qaadyo badan oo ku aaddan in ay sameeyaan isbeddel iyo dib-u- habayn amni iyo mid siyaasadeed, hase yeeshee wax badan kama soo naasa caddaan balan-qaadyadaas.

Odoyaasha dhaqanka iyo culimada ayaa ahaa hanti iyo awoodo qarsoon oo wax badan ka tari kara dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaa kale oo muhiim ah in la xoojiyo lana soo nooleeyo kaalinta hoggaanka dhaqanka lagana qeybgaliyo adkaynta midnimada iyo nabadgelyadda. Sida ka-qeybgalayaasha daraasaddu ku taliyeen, dawladda oo imanka leh warbaahiye maqal-muqaal ah (TV) waa in ay samaysaa wacyi-gelin baahsan oo ku saabsan adkaynta dawladnimada iyo nabadda.